Muqdisho (Dawan ) – Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku baaqday in dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ay sii wadaan wadahadallada siyaasadeed si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Afhayeen ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Farhan Haq oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay Qaramada Midoobay qabatay ayaa sheegay in Xoghayaha Guud António Guterres uu si dhow ula socdo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wadahadalladii dhawaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
“Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa rabitaanka labada dhinac ee wada hadalka, wuxuuna ku dhiirrigelinayaa inay sii wadaan wada-xaajoodyada si heshiis looga gaaro jihada loo wajahayo doorashooyinka iyo arrimaha kale ee la xiriira,” ayuu yiri afhayeenka.
Hadalka Qaramada Midoobay ayaa yimid maalmo kadib markii wadahadallo ka dhacay Muqdisho oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, iyadoo la isku mari la’yahay arrimaha wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka iyo hannaanka kala-guurka siyaasadeed.


