Jabuuti, 03 November 2025 (Dawan) — Wasaaradda Shaqada iyo daryeelka Bulshada Jabuuti iyo Machadka Qaranka ee Maamulka Dowladda (INDA), ayaa shalay si rasmi ah u daahfurtay tababarka dufcaddii saddexaad ee maamulka iyo maareynta hay’adaha dowladda, oo socon doona muddo siddeed bilood ah.
Tababarkaan oo loogu talagalay saraakiisha iyo madaxda ka tirsan hay’adaha dowladda ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xirfadaha hoggaaminta, maamulka mashaariicda, iyo hufnaanta adeegyada dowliga ah, si loo sare u qaado tayada adeeg bixinta iyo hannaanka maamul ee dowladda sida uu sheegay Talefashinka Qaranka Jabuuti.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Agaasimaha Guud ee INDA, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradaha kale ee heer qaran, iyadoo sidoo kale lagu guddoonsiiyey shahaadooyin ardaydii ka qalinjabisay koorsadii hore ee maamulka dowladda.
Agaasimaha Guud ee Machadka Qaranka ee Maamulka Dowladda ayaa sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu tayeynayo shaqaalaha rayidka, lana doonayo in la helo maamul leh aqoon, mas’uuliyad iyo karti fulineed oo la jaanqaada baahiyaha dowladnimada casriga ah.
Xoghayaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo daryeelka Bulshada ayaa sheegay in u jeedada tababarkaan ay tahay in sare loo qaado shaqa dowladda iyo hufnaanta howlaha ay ka shaqeynayaan shaqaalaha iyo madaxdaba.
“U jeedada tababarkaan waa in la xoojiyo aqoonta shaqaalaha iyo madaxda dowladda si kor loogu qaado hufnaanta shaqo ee hay’adaha dowladda” ayuu yiri xoghayaha guud ee wasaaradda shaqa,
Barnaamijkan oo ka socda Machadka Qaranka ee Maamulka Dowladda ayaa qayb ka ah qorshaha qaranka ee dowlada Jabuuti ku dhisayso adeeg dowladeed hufan, daah-furan, isla markaana ku dhisan xirfad iyo anshax shaqo.



