Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa cambaareysay colaadihii ka dhacay deegaanka Aricadeeye ee Dowlad Goboleedka Woqooi Bari, kuwaas oo dhex maray laba beelood oo walaalo ah, isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga soo horjeeddo falalka gacan-ka-hadalka ah ee sababay khasaaraha naf iyo maal, iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay dagaallada.
Wasaaraddu waxay ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, lana dardargeliyo dadaallada lagu xallinayo khilaafka, iyadoo dhinacyada ku lugta leh ugu baaqday inay mudnaanta siiyaan nabadda, wada hadalka iyo wada noolaanshaha bulshada.