Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu oggolaaday bannaanbaxa ay siyaasiyiinta mucaaradka ku baaqeen 10-ka May 2026, balse wuxuu ku xiray in lagu qabto garoonka ciyaaraha ee Eng Yariisow si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in maamulka gobolka uu taageersan yahay xorriyadda isu imaatinka, cabbirka ra’yiga iyo dhaqdhaqaaqa, kuwaas oo uu sheegay inay damaanad qaadayaan dastuurka Soomaaliya.
“Waxaan fasaxeynaa oo aqbaleynaa bannaanbaxa lagu baaqay haddii uu yahay mid nabadeed,” ayuu yiri Muungaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka, Wasaaradda Amniga iyo hay’adaha ammaanka ay isla garteen in bannaanbaxa lagu qabto garoonka Eng Yariisow si looga hortago wax kasta oo khatar ku noqon kara amniga iyo ganacsiga caasimadda.
Muungaab ayaa sheegay in bannaanbaxa loo asteeyay inuu socdo laga bilaabo 9:00 subaxnimo ilaa 1:00 duhurnimo, iyadoo qof kasta oo doonaya inuu ka qeyb galo loo oggolaaday inuu si nabdoon ku tago goobta loo asteeyay.


