Muqdisho (Dawan Africa) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa soo saaray amar lagu hakiyay howlaha duminta dhulalka danta guud ee ka socda magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ka yimid shacabka, sida uu sheegay afhayeenka maamulka.
Afhayeenka ayaa sheegay in go’aankan uu ka dhashay amar ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo tixgelinta cabashooyinka shacabka ee la xiriira dib-u-habeynta dhulka caasimadda.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka in ay si degdeg ah u dhaqan geliyaan hakinta howlaha baneynta iyo duminta dhulka ee hadda socda.
Go'aankan ayaa sidoo kale lagu shaaciyay magacaabista guddi ka kooban khubaro dhinaca dhulka ah, sharci-yaqaanno, culimo iyo xubno ka socda bulshada rayidka, kuwaas oo loo xilsaaray baaritaanka cabashooyinka iyo xaqiijinta dokumentiyada ay wataan dadka cabanaya.


