Jabuuti (Dawan)— Shirkadda shidaalka ee Shiinaha laga leeyahay, PetroChina International, ayaa sahaminaysa qorshe lagu dhisayo marin shidaal oo dhererkiisu yahay qiyaastii 1,550 kiilomitir, kaas oo isku xiri doona Koonfur Suudaan, Itoobiya iyo dekedaha Jabuuti ee Badda Cas.
Sida uu qoray wargeyska ganacsiga ee Itoobiya ee Capital Ethiopia, qorshahan ayaa looga gol leeyahay in Koonfur Suudaan loo sameeyo marin kale oo ay shidaalkeeda ceeriin ugu dhoofiso suuqyada caalamka, iyadoo sidoo kale la ballaarinayo kaabayaasha kaydinta iyo gaadiidka shidaalka ee Jabuuti.
Mashruuca ayaa looga hadlay kulan dhexmaray Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti iyo wafdi heer sare ah oo ka socday PetroChina International (Middle East), kaas oo uu hoggaaminayey Maareeye Ku-xigeenka Guud ee shirkadda, Hu Weiqiang.
Wadahadallada, oo ka dhacay xarunta Red Sea World Centre, ayaa diiradda lagu saaray dhismaha xarun kaydinta shidaalka ah oo qaadi karta 300,000 oo mitir kuyuubik, taas oo laga hirgelinayo aagga warshadaha ee Damerjog, Jabuuti. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay suurtagalnimada dhismaha warshad sifaysa shidaalka iyo horumarinta marin gaadiid oo isku xiri doona saddexda dal.
Marinka la soo jeediyey ayaa ka bilaabanaya Koonfur Suudaan, isaga oo sii maraya Itoobiya kuna dhammaanaya Jabuuti. Wuxuu dhex mari doonaa dhul ay meelaha ugu sarreeya jooggoodu gaarayaan 2,400 mitir.
Sida ku cad qorshaha mashruuca, Jabuuti ayaa loo doortay halka uu marinku ku dhammaanayo, sababo la xiriira dekedaheeda iyo kaabayaasha kale ee dalka ka jira, oo ay ka mid yihiin waddooyinka iyo adeegyada korontada.
Dekedda shidaalka dareeraha ah ee Damerjog ayaa la qorsheynayaa inay noqoto xarunta ugu weyn ee laga dhoofiyo shidaalka ceeriin ee Koonfur Suudaan, loona raro suuqyada caalamka. Haddii mashruucan la hirgeliyo, wuxuu Koonfur Suudaan siin karaa waddo kale oo ay shidaalkeeda ugu dhoofiso suuqyada caalamka, maadaama dalku muddo dheer ku tiirsanaa dhuumaha shidaalka ee mara Suudaan, kuna dhammaada dekedda Port Sudan.