Muqdisho (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Uganda aysan gebi ahaanba ka baxayn Soomaaliya, iyadoo caddeysay in ciidamada hadda dib loo dejinayo ay yihiin kuwa dalka ku jooga heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya labada dowladood, balse aysan ahayn kuwa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika.
Lataliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay inay muhiim tahay in si cad loo kala saaro ciidamada Uganda ee ku jooga heshiiska labada dal iyo kuwa ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
“Ciidamada hadda dib loo dejinayo waxay u badan yihiin kuwa ku jooga heshiis laba geesood ah, kuna shaqeeya qorshe gaar ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda,” ayuu yiri Aweys Xaaji.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda ee ka tirsan AUSSOM ay weli ku sugan yihiin Soomaaliya, isla markaana ay sii wadaan gudashada waajibaadkooda, iyagoo la shaqeynaya ciidamada kale ee howlgalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Aweys Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyey in dib-u-dejinta ciidamada ku jooga heshiiska labada dal aan loo fasiran karin bixitaan buuxa oo ay ciidamada Uganda ka baxayaan Soomaaliya.