Addid Ababa (Dawan)- Hay’adda Bunka iyo Shaaha Itoobiya (ECTA) iyo shirkadda DHL Express Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo awoodda dhoofinta iyo ballaarinta suuqyada caalamiga ah ee bunka Itoobiya.
Heshiiska oo la saxiixay 3-dii Nofeembar ayaa qayb ka ah barnaamijka GoTrade ee DHL, wuxuuna diiradda saarayaa horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhoofiyeyaasha bunka iyo ganacsatada Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga caalamiga ah, habraacyada dhoofinta, saadka, shuruudaha kastamka iyo helitaanka suuqyada caalamka. Heshiiska waxaa fududeysay Hay’adda Horumarinta Warshadaha ee Qaramada Midoobay (UNIDO).
Sida ku cad heshiiska, ECTA iyo DHL Express Ethiopia waxay iska kaashan doonaan hawlo lagu dhisayo awoodda iyo is-weydaarsiga aqoonta, kuwaas oo loogu talagalay dhoofiyeyaasha bunka, shirkadaha iyo xirfadlayaasha ka shaqeeya qaybtaas.
DHL ayaa bixin doonta khibraddeeda ku saabsan gaadiidka caalamiga ah, saadka, habraacyada kastamka iyo ganacsiga xuduudaha ka gudba. Dhankeeda, Hay’adda Bunka iyo Shaaha Itoobiya ayaa aqoonsan doonta dhinacyada ka faa’iideysanaya barnaamijka, iyadoo sidoo kale xaqiijin doonta in hawlaha la fulinayo ay waafaqsan yihiin mudnaanta iyo baahiyaha qaybta bunka Itoobiya.