Muqdisho (Dawan) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay saddex madax-dhaqameed oo ka yimid Somaliland, kuwaas oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka bulshada, wadajirka iyo midnimada dalka.
Sida uu baahiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, madax-dhaqameedka kulanka ka qaybgalay ayaa kala ahaa Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka hoggaanka dhaqanka ee xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed, kobcinta is-fahamka iyo dhiirrigelinta wadajirka dadka ku nool gobollada kala duwan ee dalka.