Muqdisho (Dawan) – MyBank ayaa ballanqaaday inuu maalgelin ku sameynayo qaybta kalluumeysiga Soomaaliya, isagoo ku biiray bangiyada Soomaaliyeed ee daneynaya fursadaha dhaqaale ee ku jira dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.
Ballanqaadka ayaa lagu dhawaaqay intii uu socday Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliyeed, oo qabsoomay 26 iyo 27-kii Oktoobar 2026.
Maareeyaha Iibka ee MyBank, Cabdifataax Maxamed Hiloowle, ayaa sheegay in bangigu ka qaybgalay munaasabadda, isla markaana ay goobta bandhigga ee bangiga booqdeen shirkado badan oo ka shaqeeya qaybta kalluumeysiga.