Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in weerarkii ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ay ku lug lahaayeen Al-Shabaab iyo ciidamo hubeysan oo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Qodobka ugu culus ee war-saxaafadeedka ayaa ahaa eedeynta ay Wasaaradda Gaashaandhigga u jeedisay maleeshiyaad ay sheegtay inay taabacsan yihiin Cabdicasiis Laftagareen. Wasaaraddu waxay sheegtay in maleeshiyaadkaas ay “si toos ah ugu milmeen” Al-Shabaab, isla markaana ay noqdeen garab u adeegaya kooxda.
“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka Baydhabo, kaddib markii, sida wasaaraddu sheegtay, kooxo nabad-diid ah iyo Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ku howlanaa sugidda amniga.


