Muqdisho 22 December 2025 (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada hoggaamiyayaal ka tirsan Al-Shabaab ee lagu dilay howlgal dhulka ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen Axaddii deegaanka Jabad Godane ee degmada Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa lagu dilay 15 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda, saddex ka mid ahna waxay ahaayeen mas'uuliyiin u qaabilsnaan kooxda howlo kala duwan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ku saleysnaa xog sirdoon oo gaar ah oo la xiriirta hawlgallada Al-Shabaab ee gobolka, isla markaana lagu dilay Jacfar Aadan oo ahaa Hogaamiyaha Al-Shabaab ee deegaanka Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali oo ahaa mas'uul caafimaad oo kooxda ugu xilsaarnaa daaweynta dhaawacyada iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Daa'uud laguna sheegay inuu Hogaaminayay dagaalamayaal ka howlgeli jiray deegaanka.






