Muqdisho, 24-kii Diseembar 2025 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inaysan aqbali doonin qorsha kasta oo is-hor-sitaag iyo diidmo ah oo lagu sameeyo doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, oo la filayo in ay ka dhacdo 25-ka Diseembar 2025. Wasaaradda ayaa ballanqaaday in wixii khalad ama caqabad ah ee ka dhaca doorashada lagu xalin karo wada-hadal, balse marnaba aan la aqbalaynin is-hortaag ama diidmo ku wajahan tallaabooyinka danta u ah bulshada iyo dalka.
Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay si buuxda u diyaarisay dhammaan hawlaha la xiriira doorashada, oo ay ku jiraan amniga goobaha codbixinta iyo nidaamka maaraynta doorashada. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku boorriyay bulshada inay ka qeyb qaataan doorashada si nabadgelyo leh, isaga oo tilmaamay in doorashadani ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, kalsoonida shacabka, iyo awoodda dowladda ee maamulka doorashooyinka.





