Bakool (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dileen 15 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaddib howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Moora Gaabey, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Xudur, xarunta gobolka Bakool.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu dilay 15 xubnood, oo ay ku jiraan saddex hoggaamiye oo door ku lahaa abaabulka iyo fulinta falalka amni-darrada ah ee kooxda.
Wasaaradda ayaa xustay in howlgalku uu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ku ciribtirayaan khatarta argagixisada, si loo adkeeyo nabadda, amniga, iyo badbaadada shacabka ku nool deegaannada ay saameeyeen colaadaha.







