Soomaaliya – 27 Oktoobar 2025 — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaarinayso qorshe lagu waajibinayo diyaaradaha dalka ka shaqeeya inay qaadaan qudaarta iyo miraha laga soo saaro gobollada dalka, si loo xoojiyo amniga cuntada iyo suuq-geynta wax-soo-saarka gudaha, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir.
Wasiirka oo ka hadlayey Madasha Horumarinta Beeraha ee ay Wasaaraddu qabatay Axaddii ayaa sheegay in beeraha iyo xoolaha ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin dagaallo iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha.
“Diyaaradaha waxan ku qasbi doonaan horana waa u dhahay, laga yaabo inaan weli la’ahay ku wasiiradii ila qaban laahaa, laakiin hore waxaan u idhi diyaaradaha waxaan ku qasbenaa inaan khudaarta gobollada soo qaadan oo meesha suuq leh la geeyayo,” ayuu yiri Wasiir Xayir.
Wuxuu dhaliilay shirkadaha diyaaradaha oo uu sheegay inay iska indha-tiraan khudaarta iyo miraha dalka, halka ay mudnaan siiyaan kuwa laga keeno dalalka kale.
“Waxaa nasiib-darro ah in diyaaradaha Soomaaliya ay khudaar ka soo qaadaan dibadda, halka ay Baydhaba ka soo qaadi waayeen. halkani ay fowdo ayeey u arkaan , amarkii dowladdana way diidaysaa, halka xoghayuhu uu leeyahay ‘khudaartaas qaada’, isaguna wuu qaaday.,” ayuu raaciyay Wasiirku.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in la ballaarin doono waaxda ka shaqeysa suuq-geynta qudaarta iyo miraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka loona hagaajiyo tayada dalagyada gudaha.
Soomaaliya ayaa soo dhoofsata khudaarta iyo miraha, inkastoo ay leedahay dhul bacrin ah oo dabooli kara baahida gudaha.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo amniga cuntada, laguna horumarinayo kaabayaasha beeraha iyo suuqyada gudaha, si loo kordhiyo dakhliga iyo shaqo-abuurka bulshada reer miyiga.


