Soomaaliya, 6 December 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furtay Buundada Sabiib-Canole ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo horey u burburisay Al-Shabaab, ka hor inta aan ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ay dib ula wareegin deegaanka bishii June 2025.
Buundadani waa mid ka mid ah buundooyin muhiim ah oo ka gudba Webiga Shabeelle, kuwaas oo ciidamada dowladda, iyagoo taageero ka helaya AUSSOM, ay ka qabsadeen kooxda.
Waxay isku xirtaa magaalooyinka istiraatiijiga ah oo shabelleha hoose ah , iyadoo fududeysa dhaq-dhaqaaqa dadka, xoolaha, iyo alaabooyinka beeraleyda, isla markaana isku xirka dhaqdhaaqa bulshooyinka deegaanka.
Buundadu waxay ku taallaa meel u dhow magaalada Afgoye, qiyaastii 35 km koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Turkigu taageero weyn ka geystay dib-u-dhiska buundada.









