Soomaaliya, 13 Oktoobar 2025 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay howlgal lagu dilay Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, habeenimadii Axadda.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Cali Qoyane waxaa la bartilmaameedsaday isagoo fadhiyay maqaaayad ku taal deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada difaaca deegaanka ee Macawiisleyda iyo ciidamada dowladda federaalka, waxaana goobta laga soo furtay qori AK-47 iyo bastoolad.
Dowladdu waxay hore u sheegtay in Cali Qoyane uu ku lug lahaa howlgallada sirdoonka Al-Shabaab ee Beledweyne, isla markaana hore u qorsheeyay weerarro iyo qaraxyo lagu beegsanayay masuuliyiin iyo dad rayid ah, isagoo ka badbaaday dhowr isku day oo hore oo lagu doonayay in la dilo.
Qoraalka dowladda ayaa lagu yiri:
“Howlgalka xalay wuxuu muujinayaa geesinimada iyo dadaalka joogtada ah ee ciidamada difaaca deegaanka ee Macawiisleyda, oo ay taageerto dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo amniga bulshada loona hortago falalka argagixisada.”
Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee dowladda iyo ciidamada deegaanka ee lagu xoojinayo amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.
Qaabka loo bartilmaameedsaday hoggaamiyaha ayaa ka duwan hababka hore ee lagu beegsaday xubnaha sare ee Al-Shabaab, kuwaas oo badanaa ahaa duqeymo cirka ah oo lala kaashanayo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.



