Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu hirgelinayo mashruuc lagu dhisayo ku dhowaad 45 kiiloomitir oo waddooyin laami ah oo laga sameynayo magaalada Hargeysa, iyadoo 23 kiiloomitir oo ka mid ah ay noqon doonaan wejiga koowaad ee mashruuca.
Mashruucan, oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeynaya Bangiga Adduunka iyo UNOPS.
Wasiirka Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil, oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in la billaabayo daraasadda farsamo iyo naqshadeynta waddooyinka, kuwaas oo marka la dhammaystiro gaari doona ku dhowaad 45 kiiloomitir.
Wasiirka ayaa xusay in wejiga koowaad lagu dhisi doono 23 kiiloomitir, isaga oo tilmaamay in mashruucu ka tirsan yahay barnaamij ballaaran oo dowladda federaalku ku horumarinayso magaalooyinka dalka, gaar ahaan dhinacyada waddooyinka, biyo-mareennada iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha.