Nairobi (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heerka tallaalka dalka uu gaaray 76%, iyadoo xustay in horumar laga sameeyay adeegyada caafimaadka bulshada, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Talaadadii.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Cali Xaaji Aadan, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu daahfurayay Istaraatiijiyadda Tallaalka ee Qaaradda Afrika oo ka dhacday Nairobi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Wasiirka ayaa sheegay in heerkan uu ka tarjumayo dadaallada dowladda ee ku aaddan xoojinta adeegyada tallaalka, gaar ahaan kuwa carruurta iyo bulshada nugul. Sida bayaanka lagu sheegay, wuxuu sidoo kale xusay dhismaha Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabeysha, taasoo muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay ciribtirka cudurrada laga hortagi karo.


