Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay saami ku yeelato shirkadaha bixiya adeegyada korontada iyo biyaha, iyadoo tallaabadaasi qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in la xoojiyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee dalka.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqaynayso hannaan sharciyeed u oggolaanaya iskaashi maalgashi oo dhexmara dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Isagoo wareysi gaar ah siinayay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu wasiirku sheegay in sharci arrintaas saldhig u noqonaya uu kasoo gudbay Golaha Wasiirradda, haatana uu horyaallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Waan gaari doonnaa. Hadda barnaamijkan wax lagu wadaago sharcigiisa Golaha Wasiiradda waa la marsiiyay. Sharcigaas marka uu kasoo dhammaadana (Baaralamaanka), maalgashiga xiga waaa ku shirkoobi doonaan dowladda iyo shirkadaha. Shirkaduhuna diyaar bay u yihiin,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame.









