Muqdisho (Dawan) – Ugu yaraan 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn aroornimadii maanta ka dhacday deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya magaalooyinka Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeynta ay fuliyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, iyadoo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri ;"Duqeymahan oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay 12 dhagarqabe, halka lagu dhaawacay tiro kale"


