Muqdisho (Dawan) – Shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air ayaa maanta oo Talaado ah bilowday duulimaadkeedii saddexaad ee toddobaadlaha ahaa ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho, taas oo muujinaysa tallaabo cusub oo lagu ballaarinayo isku xirka hawada ee Soomaaliya iyo Masar, xilli ay sii kordhayaan baahida rakaabka ee labada dhinac.
Duulimaadkii ugu horreeyay ee adeeggan cusub ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadda ka qayb galay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Saalax Xasan, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada ee Masar, maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyo wakiillo ka socday shirkadda Egypt Air iyo wakiilkeeda Soomaaliya.
Egypt Air ayaa dib u bilowday duulimaadyadii joogtada ahaa ee Muqdisho 12-kii Luulyo 2024, kaddib sannado badan oo ay hakad ku jireen. Munaasabaddii dib-u-bilaabista, waxaa ka qayb galay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Soomaaliya, waxaana loo arkayay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca duulista hawada.
Tan iyo markii ay dib u bilowday howlaheeda, shirkaddu waxay Muqdisho ku tagaysay laba jeer toddobaadkii, kuwaas oo ahaa maalmaha Axadda iyo Khamiista. Laga bilaabo maanta oo Talaado ah, waxaa lagu daray duulimaadkii saddexaad ee toddobaadlaha ahaa si looga jawaabo kororka joogtada ah ee isu-socodka rakaabka ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho.