Asmara (Dawan)- Wasaaradda Warfaafinta Ereteriya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan aqoonsiga Israa'iil ee Somalind, iyadoo tilmaamtay in tallaabadan aysan ahayn wax qarsoodi ah oo cusub, balse muddo la sii diyaarinayay si loo kiciyo khilaafaad halis ah oo gobolka iyo caalamkaba saameynaya.
War-saxaafadeedka ayaa ku baaqay in falkaas laga bixiyo jawaab cad oo aan gambasho lahayn, gaar ahaan heerka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xubnihiisa. Waxaana si gaar ah loogu baaqay dowladda Shiinaha inay qaadato masuuliyadeeda arrintan, iyada oo la tixraacayo isku ekaanshaha muuqda ee xaaladda “Taiwan”, taas oo Shiinaha si xooggan u diidanyahay.





