Asmara (Dawan)— Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay si firfircoon uga shaqeyneyso xasilooni-darrada Geeska Afrika, iyadoo labada dal ay mar kale isku weydaarsanayaan eedeymo culus, xilli xiriirkooda uu wajahayo xiisad sii kordheysa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax ayaa Sabtidii sheegtay in xisbiga talada haya Itoobiya ee Prosperity Party uu wado tallaabooyin ay Asmara ku tilmaantay kuwo lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka.
Eritrea waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda Itoobiya inay martigeliso, tababarto, isla markaana dhaqaale siiso kooxo ay sheegtay inay wataan ajande lagu doonayo in lagu beddelo nidaamka ka jira Asmara. Eedeymaha Eritrea kuma koobna oo keliya arrimaheeda gudaha.
Asmara ayaa sidoo kale ku eedeysay Itoobiya inay taageerto oo dhiirrigeliso Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF), kuwaas oo tan iyo bishii Abriil 2023 dagaal kula jira ciidamada qalabka sida ee Suudaan.
Itoobiya ayaan ka jawaabin eedeymahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.