Asmara (Dawan) — Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in nabaddu ay tahay tiirka ugu weyn ee hagaya sida ay Eritrea ula macaamisho deriskeeda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isagoo ku tilmaamay arrintaas go'aan istiraatiiji ah oo ka dhashay waayo-aragnimada dheer ee ay ka dhaxleen dagaalladii ay soo msareen oo ku reebay samaaeyn ballaaran oo dhanka nolosha ah.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, wasiirku wuxuu xusay in Eritrea ay ku guulaysatay inay ilaaliso midnimeeda gudaha ah iyo xasillooni, inkasta oo gobolka uu wajahayo qalalaase baahsan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalkiisu ka fogaaday ku lug lahaanshaha dagaal wakiileedka iyo fulinta ajandayaasha shisheeye, arrintaas oo sida uu sheegay, gacan ka geysatay abuurista jawi xasiloon iyo inay kaalin wayn ku yeeshaan gobolka.




