Addis Ababa (Dawan)– Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta oo Arbaco ah si ku meel gaar ah u hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, xilli ay sii kordhayso cabsida laga qabo in xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo xoogagga gobolka ay isu beddesho dagaal ballaaran.
Shirkaddu waxay sheegtay in duulimaadyada magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire loo hakiyay “xaaladda hadda ka jirta Tigray” awgeed, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sababta go’aanka. Ethiopian Airlines ayaa ah shirkadda keliya ee duulimaadyo caadi ah ku tagta gobolka, inkastoo diyaarado si gaar ah loo kireysto ay weli gaari karaan.
Hakinta duulimaadyadu waxay timid saddex maalmood ka dib markii toddobo kooxood oo mucaarad Itoobiyaan ah, oo ay ku jirto Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, ay ku dhawaaqeen isbahaysi ay sheegeen inuu ka soo horjeedo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.