Muqdisho – 6-da Janaayo 2026 (Dawan)- Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho, kaddib ku dhowaad afar sano oo uu dibadda ku maqnaa.
Yaasiin ayaa dalka ka dhoofay 16-kii May 2022, wax yar kaddib doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tan iyo xilligaas ku sugnaa dibadda. Soo laabashadiisu ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbeddel siyaasadeed oo muuqda, xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso doorashooyinka 2026-ka.
Soo laabashada Fahad ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dhawaan ka soo dhex muuqday saaxadda siyaasadda isagoo loo arko shakhsi udub-dhexaad u ah isbahaysi mucaarad oo cusub, laguna magacaabo Midowga Haybad Qaran (National Pride Alliance). Isbahaysigan waxaa ku mideysan mas’uuliyiin hore oo saameyn siyaasadeed leh, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).







