Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa ciidamada ammaanka Soomaaliya uga digay fulinta amarro uu ku tilmaamay kuwo ka baxsan dastuurka, isagoo ugu baaqay inay ilaaliyaan shacabka iyo xasilloonida dalka xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee Muqdisho.
War-saxaafadeed uu Farmaajo soo saaray caawa oo Sabti ah ayuu si toos ah farriin ugu diray ciidamada ammaanka, isagoo xusay in waajibaadkoodu yahay ilaalinta badqabka iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed, halkii ay ka fulin lahaayeen amarro wax u dhimaya xuquuqda muwaadiniinta.
“Waajibaadka saaran saraakiisha ammaanka waa ilaalinta badqabka iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ciidamada uga digay inay fuliyaan amarro ka hor imaanaya dastuurka iyo shuruucda dalka.


