Jabuuti, 1-da January, 2026 (Dawan)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaïl Cumar Geelle, ayaa farriin sanadeed u diray shacabka dalka, isaga oo ku booriyay midnimo qaran, wadajir bulsho iyo feejignaan dimoqraadi ah, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay bisha Abriil 2026.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaadka sannadka 2025 iyo bilowga sannadka cusub ay yihiin fursad dib loogu qiimeynayo jihada dalka, isagoo ugu baaqay shacabka in ay sannadka 2026 ku bilaabaan rajo, kalsooni iyo is-aaminaad. “Waxaan idinku boorinayaa inaan sannadka cusub ku galno wadajir, rajo iyo yididiilo,” ayuu yiri.
Geelle ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay daryeelka dadka nugul, isagoo adkeeyay in iskaashiga qaran uu yahay tiir aasaasi ah oo Jamhuuriyadda ku dhisan tahay, isla markaana uu hagayo siyaasadaha dowladda ee lagu taageerayo dadka waayeelka ah, bukaannada iyo qoysaska dhibaateysan.
Dhanka arrimaha caalamiga ah, Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka hadlay xaalad uu ku tilmaamay mid adag oo gobolka iyo dunidaba ka jirta, isagoo xusay xiisadaha weli ka taagan Geeska Afrika iyo khataraha amni ee ka jira Badda Cas, oo ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamka.
Isagoo ka hadlayay doorka Jabuuti ee jawigan cakiran, Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono siyaasadda dhexdhexaadnimada iyo nabadda, inkastoo ay hoy u tahay saldhigyo ciidan oo shisheeye. Wuxuu ku adkeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo dhowrista xuduudaha aan la taaban karin, sida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay adkeysiga dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in dhaqaalaha qaranku uu sameey koboc, taasoo ay ka dambeeyaan maalgashi nidaamsan iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu natiijooyinkan ku tilmaamay kuwo ka dhashay dadaal wadajir ah iyo maamul ku dhisan xasillooni.






