Jabuuti, 14 Noofembar 2025 — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Khamiistii furay Akadeemiyadda Kubadda Cagta ee Sare ee Douda, oo hoos timaadda Mashuurca Akademiyadda Hibada ee FIFA.Mashruucan, oo lagu dhameystiray iskaashi u dhaxeeya Jabuut iyo FIFA, waxaa loogu talagalay in lagu tababaro laguna wacyigeliyo ciyaartoyda kubadda cagta ee da’da yar ee dalka oo dhan.
Munaasabadda furitaanka ee magaalada Djibouti waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hogaanka ciyaaraha ee Jabuuti, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dileita Maxamed Dileita, iyo Suleymaan Xasan Waaberi, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti (FDF) ahna xubin ka tirsan Golaha FIFA, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka socda FIFA.
Akadeemiyadda casriga ah, oo dhismihiisu socday muddo afar sano ah, waxay leedahay laba garoon, hoy gooni ukala ah wiilasha iyo gabdhaha, iyo dhammaan kaabayaasha muhiimka u ah ciyaaraha.
Kooxdii ugu horreysay ee 40 ciyaartoy — oo ay ku jiraan 20 gabdhood — ayaa horey u bilowday barnaamijkooda tababar iyo waxbarasho, iyagoo isku daraya waxbarashada rasmiga ah iyo tababarka heerka xirfadeed ee kubadda cagta.
Madaxweynaha Geelle ayaa mashruuca ku amaanay “tallaabo weyn oo hore u qaadayso mustaqbalka ciyaaraha Jabuuti,” isagoo sheegay in ay dalka ka caawin doonto “in la helo laguna kobciyo hibada ku habboon inay ku guuleystaan heerka qaaradda iyo caalamka.”“Waxaan ku faraxsanahay in dalkeennu hadda leeyahay kaabayaal noocan oo kale ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Geelle. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey FIFA taageerada ay siisay, isagoo sheegay in akadeemiyaddu “ka qayb qaadan doonto wanaagga iyo horumarka dhalinyarada Jabuuti.”








