Muqdisho (Dawan)– Lix carruur ah ayaa sannadkan cudurka dabaysha ugu naafoobay Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay. Warkan ayaa soo baxay iyadoo dalka Axaddii laga bilaabay olole tallaal oo lagu beegsanayo ku dhawaad 1.4 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano.
Ololaha oo socon doona ilaa 3-da Diseembar ayaa laga fulinayaa 30 degmo oo ku yaalla gobolka Banaadir, oo ay Muqdisho ka mid tahay, iyo dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed. Sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Caafimaadka, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF).
Kani waa ololihii ugu horreeyay ee tallaalka dabaysha ee guud ahaan Soomaaliya laga fuliyo sannadkan.
Tan iyo 2017, Soomaaliya waxay la tacaalaysay faafitaanka fayraska dabaysha ee nooca 2-aad ee isbeddelay (cVDPV2). War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in faafitaanka cudurka uu sii socday, taas oo ay sabab u yihiin caqabadaha dhanka hawlgallada iyo xaddidaadaha ku aaddan gaarsiinta tallaalka carruurta ku nool qaybo ka mid ah dalka.
Fayraska dabaysha ee isbeddelay wuxuu ka dhalan karaa deegaannada uu heerka tallaalku hooseeyo. Xaaladahaas, fayraska la daciifiyay ee ku jira tallaalka afka laga qaato ayaa ku dhex faafi kara carruurta aan la tallaalin, isaga oo dib u yeelan kara awood uu ku sababo curyaannimo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji Aadan Abuubakar, ayaa Sabtidii ololaha ka daahfuray magaalada Muqdisho.