Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Sabtidii Muqdisho ka daah-furay habraaca wada-shaqaynta booliiska iyo warbaahinta.
Habraacan waxaa diyaarisay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), iyadoo kaashanaysa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo hay'adda Danishka ah ee horumarinta warbaahinta, International Media Support (IMS), sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta. Munaasabadda waxaa ka qaybgalay agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, saraakiil booliis, culimo, xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo ururrada warbaahinta.
Xoghayaha Guud ee SOMA, Maxamed Cabdulwahaab, ayaa sheegay in habraacu xoojinayo xiriirka, is-fahamka iyo wada-shaqaynta booliiska iyo warbaahinta. Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa sheegay in diyaarinta habraacu soo martay marxalado wadatashi oo kala duwan, laguna gaaray is-faham wanaagsan.
Wasiir Qaasim ayaa bogaadiyay SOMA iyo Booliiska Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan diyaarinta habraaca. Wuxuu sheegay in warbaahin xirfad iyo masuuliyad leh, iyo booliis ilaaliya amniga iyo badqabka suxufiyiinta, ay muhiim u yihiin xorriyadda hadalka, helitaanka xog sugan iyo xasilloonida bulshada.