Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Naafada Qaranka ayaa dowladda federaalka ka dalbatay in 1% dakhliga canshuuraha dowladda loo qoondeeyo sanduuq loogu talagalay horumarinta dadka naafada ah.
Guddoomiyaha hay’adda, Maxamed Cabdul Jaamac, ayaa sidaas ka sheegay shir heer qaran ah oo Axaddii lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay hirgelinta Sharciga Xuquuqda Naafada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in hay’addu ay soo jeedinayso in shirka laga soo saaro baaq ku socda dowladda federaalka oo ku saabsan in boqolkiiba hal (1%) dakhliga canshuuraha loo qoondeeyo Sanduuqa Horumarinta Naafada Soomaaliyeed, kaas oo lagu xusay qodobka 10-aad ee Sharciga Xuquuqda Naafada.
“Hirgelinta soo-jeedintan waxay abuuri kartaa ilo dhaqaale oo waara, kuwaas oo lagu maalgelinayo barnaamijyada iyo adeegyada loogu talagalay horumarinta iyo tayaynta nolosha dadka naafada ah,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in arrintani ay u baahan tahay go’aan siyaasadeed oo cad iyo maamul hufan.