Muqdisho (Dawan)— Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan qabsan karin hal tuulo xitaa haddii ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay dalka ka baxaan, isagoo kalsooni ka muujiyay awoodda ciidamada Soomaaliya. Fiqi ayaa sheegay in ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda hortaagan yihiin kooxda, isla markaana dagaalka lagu sii wadi doono haddii AUSSOM ay joogto iyo haddii ay baxdaba.
“Al-Shabaab hal tuulo xitaa lama wareegi karto haddii AUSSOM baxdo,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu abaalmarinayey shirkado la sheegay inay yihiin ugu ugu wanaagsanaa ee Soomaaliya sanadkan oo ay qabsatay Five Magazine habeennimadii Sabtida.