Jabuuti (Dawan) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Talaadadii booqday Dekedda Konteenarrada ee Dooraale iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Caalamiga ah ee Jabuuti (DIFTZ).
Guddoomiyaha waxaa booqashada ku weheliyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti, Aboubaker Cumar Hadi.
Booqashadu waxay ka bilaabatay Dekedda Konteenarrada ee Dooraale, halkaas oo mas’uuliyiinta Shirkadda Maamulka Dekedda Konteenarrada (SGTD) ay wafdiga u soo bandhigeen kaabeyaasha dekedda, qalabka shaqada, awoodda hawlgalkeeda iyo doorka ay ku leedahay isku xirka ganacsiga badda ee gobolka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay maalgashiyadii dekedda lagu sameeyay sannadihii u dambeeyay, kuwaas oo ay sheegeen inay xoojiyeen kaalinta Jabuuti ee xarun muhiim u ah saadka iyo isu-socodka ganacsiga Geeska Afrika.
Wafdiga ayaa intaas kaddib booqday Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Caalamiga ah ee Jabuuti, halkaas oo kulamadu diiradda ku saareen xoojinta iskaashiga Hay’adda Dekedaha Jabuuti iyo dekedaha Soomaaliya.
Iskaashiga labada dhinac ayaa muddo soo jiray, waxaana Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti ay soo bandhigtay taageerooyin kala duwan oo ay hore ugu fidisay dekedaha Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho, Jabuuti waxay Soomaaliya ku wareejisay laba doon oo jiida maraakiibta ah oo kala ah “Bab el Mandeb” iyo “Moussa Bouh”, qalab lagu maareeyo konteenarrada iyo agab dayactir. Sidoo kale, muddo laba sano ah waxaa Soomaaliya ka hawlgalayay koox farsamo oo Jabuutiyaan ah, iyadoo shaqaalaha dekedda loo sameeyay tababbarro xirfadeed.