Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Salim bin Habib Al Umairi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.
Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayuu Safiir Al Umairi Madaxweynaha ku gaarsiiyey farriin uu uga siday Suldaanka Cumaan, Haitham bin Tariq Al Said.
Farriinta ayaa muujinaysay sida hoggaanka Cumaan ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.