Muqdisho, 06 Oktoobar 2025 (Dawan)– Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa ka qayb galay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho oo lagu dhaweynayay Dhamme, ama seddex xidigle Maxamed Muuse Maxamed, oo ah sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee muddo 40 sano kadib ka soo qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska Sandhurst.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, Captain James Edwards, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Soomaaliya, iyo saraakiil ka socday Ciidanka Xooga Dalka, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.
Hambalyada Wasiir Fiqi ee Dhame Muuse ka dib wuxuu sidoo kale bogaadiyay doorka ee Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca.
Boqortooyada Ingiriiska waxay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya siisa qalab si ay uga caawiso horumarinta amniga iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.



