Boston (Dawan) – Xulka qaranka Morocco ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee Afrika ka socday ee laga reebo Koobka Adduunka 2026, kaddib markii France ay 2-0 kaga adkaatay wareegga siddeed dhammaadka tartanka.
Guuldarradan ayaa ka dhigan in France ay mar labaad joojisay rajadii Morocco ee Koobka Adduunka, iyadoo labadii tartan ee ugu dambeeyay ay labada xul ku kulmeen marxalado kala duwan. Koobkii Adduunka 2022 ee Qatar, France ayaa Morocco ku reebtay afar dhammaadka, halka sannadkan ay ku joojisay wareegga siddeed dhammaadka.
Kulankii ka dhacay Boston Stadium habeenkii Khamiista ayaa Morocco ay dooneysay inay kaga aargudato France, oo afar sano ka hor ka hor istaagtay inay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Afrika ah ee gaara finalka Koobka Adduunka, balse riyadii ayaa mar kale ku burburtay awoodda iyo khibradda xulka Faransiiska.
Inkasta oo Morocco ay haysashada kubadda ku yara sarreysay boqolkiiba 52 marka loo eego 48 boqolkiiba France, haddana xulka Faransiiska ayaa ahaa mid ka khatar badan dhanka weerarka. France ayaa sameysay 22 isku-day oo gool ah, sagaal ka mid ahna waxay ku wajahnaayeen goolka, halka Morocco ay sameysay shan isku-day oo keliya, midna uu bartilmaameed noqday.