Muqdisho (Dawan)— Gabdhaha ayaa si weyn uga dhex muuqday kaalmaha ugu sarreeya qalinjabinta 20-aad ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), iyadoo lix ka mid ah siddeedda kulliyadood ee jaamacadda ay kaalinta koowaad ka galeen gabdho. Xafladda qalinjabinta oo maanta lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho ayaa lagu sagootiyay 1,684 arday oo ka qalinjabiyay heerarka koowaad iyo labaad ee waxbarashada jaamacadda.
Tirada qalinjabiyeyaasha waxaa ka mid ah 827 gabdhood, kuwaas oo ka dhigan 49.1 boqolkiiba guud ahaan ardayda qalinjabisay, halka 857 ay yihiin wiilal, oo u dhiganta 50.9 boqolkiiba. Inkasta oo farqiga u dhexeeya tirada gabdhaha iyo wiilasha uu yar yahay, haddana natiijooyinka qalinjabinta ayaa muujiyay in gabdhuhu si muuqata uga dhex muuqdeen kaalmaha ugu sarreeya ee kulliyadaha.
Lix ka mid ah siddeedda kulliyadood ee UNISO ayaa kaalinta koowaad waxaa galay gabdho, taasoo ka dhigtay qalinjabinta sanadkan mid si gaar ah loogu xuso waxqabadka ardayda gabdhaha.
Guusha gabdhaha kuma ekaan kaalmaha ugu sarreeya ee kulliyadaha. Gabadh ayaa sidoo kale noqotay ardayda ugu sarreysa guud ahaan Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Soomaaliya. Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo gabadh ay sidoo kale noqotay ardayda ugu sarreysa guud ahaan Dufcaddii 19-aad ee jaamacadda, oo qalinjabisay sanadkii 2025.
Labadan dufcadood ayaa sidaas muujinaya dadaallada sii kordhaya ee gabdhaha Soomaaliyeed ee kaalmaha ugu sarreeya ee waxbarashada jaamacadeed.