Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in doorashada madaxweynaha la qabto 15-ka May 2027, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey inuu halis geliyey nidaamka federaalka iyo xasilloonida dalka.
Wareysi uu siiyey Puntland State TV, Deni ayaa sheegay in Puntland ay dood xooggan ka qabto guddiga doorashooyinka iyo dastuurka lagu saleeyey hannaanka doorashada, isla markaana aanu u arkin suurtagalnimada in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qabto doorasho heshiis lagu yahay.
“Doorashooyin Xasan Sheekh uu qaban karo aniga hadda iima muuqdaan. Guddigaas iyo dastuurka lagu saleeyeyba dood xooggan ayaan ka qabnaa,” ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku dooday in afartii sano ee uu Xasan Sheekh xilka hayey ay dhaawac soo gaareen nidaamka dowladnimada, hannaanka federaalka iyo xiriirka dibadda ee Soomaaliya. Waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyey inay faragelin ku hayso arrimaha dowlad-goboleedyada, isaga oo tusaale u soo qaatay xaaladaha ka jira Gedo, Kismaayo iyo Hirshabeelle, kuwaas oo uu sheegay inay muujinayaan khataraha ka dhashay khilaafaadka siyaasadeed.
Deni ayaa sidoo kale ka digay isku dhacyo dhex mara ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, isaga oo sheegay inay jiraan warar ku saabsan kala qaybsanaan ka dhex jirta ciidamada qaranka. Waxa uu intaas ku daray in ka bixitaanka ciidamada nabad-ilaalinta ee deegaanno muhiim ah uu sii kordhinayo walaaca laga qabo amniga.