Muqdisho (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa ku dhawaaqay furitaanka diiwaangelinta ururrada siyaasadda, taas oo bilaabanaysa 1-da Nofeembar 2026, kuna eg 22-ka isla bishaas.
Guddiga ayaa sheegay in go’aankani waafaqsan yahay waajibaadkiisa sharciyeed, isaga oo tixraacaya war-saxaafadeedkii uu 15-kii Oktoobar ku shaaciyey jadwalka doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dhammaan ururrada siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka ayaa loogu baaqay inay ka faa’iidaystaan muddada diiwaangelinta, si ay uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda dalka.