Muqdisho (Dawan) – Hawlgalka Kala-guurka ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, taas oo calaamad u ah dhammaadka marxalad dheer oo Qaramada Midoobay ay door muuqda ku lahayd geeddi-socodka nabadaynta, dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.
Xiritaanka hawlgalkan ayaa yimid kaddib laba sano oo uu socday geeddi-socodka kala-guurka, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay in mas’uuliyadihii UNTMIS si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha dowladda, hay’adaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Hawlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu soo bilowday sannadkii 1995-kii, markaas oo la aasaasay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS). Waxaa xigay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) sannadkii 2013-kii, ka hor inta aan sannadkii 2024-kii loo gudbin wejigii ugu dambeeyay ee kala-guurka, kaas oo ahaa UNTMIS.