Laascaanood (Dawan) – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen laba gabdhood oo lagu eedeeyay inay taageero u muujiyeen xuska 18-ka May ee Somaliland.
Bayaan kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen Salma Jaamac Yuusuf Axmed oo 18 jir ah iyo Faadumo Yuusuf Axmed Geelle oo 27 jir ah.
Ciidamada ayaa sheegay in labada gabdhood lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku baahiyeen muuqaalo lagu taageerayo xuska 18-ka May, oo ah maalinta ay Somaliland u dabaaldegto ku dhawaaqistii madax-bannaanideeda.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay raadinayaan gabar kale oo lagu magacaabo Sihaam, taas oo sida ay sheegeen inay ka qeyb qaadatay taabeerada xuskaasi.


