Hargeysa (Dawan)— Magaalada Gabiley ayaa shalay laga dhagax-dhigay mashruuc lagu dhisayo 100 guri oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah, kaas oo ay maalgelinayaan deeq-bixiyeyaal ka socda Imaaraatka Carabta, iyadoo mashruuca ay iska kaashanayaan Dowladda Hoose ee Gabiley iyo Hay’adda Khayriga ah ee Al-Sunna.
Munaasabadda dhagax-dhigga,waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, Muxumed Axmed Cabdilcasiis, Wasiirka Dawladaha Hoose, Xasan Macallin, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamuud Xasan Saleebaan Dhagax, Maayarka Gabiley, Maxamed Cabdi Xasan, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda Al-Sunna.
Mashruucu kuma koobna oo keliya dhismaha 100-ka guri, balse waxaa sidoo kale la socda adeegyo bulsho oo ay ka mid yihiin biyo, caafimaad, waxbarasho, masaajid iyo suuq, kuwaas oo loogu talagalay dadka degi doona deegaanka cusub.
Masuuliyiinta gobolka iyo degmada Gabiley ayaa mashruuca ku tilmaamay mid taariikhi ah, iyaga oo sheegay inuu yahay mashruucii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo gobolka, isla markaana wax weyn ka tari doona baahida hoyga iyo adeegyada aasaasiga ah ee qoysaska danyarta ah.