Muqdisho (Dawan) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa ku baaqay in dib-u-eegis lagu sameeyo heshiiska qaybsiga kheyraadka dalka ee lagu gaaray Baydhabo, isagoo sheegay in qaabka hadda jira uusan ka tarjumeyn isbeddellada cusub ee ka socda waaxda shidaalka iyo gaaska.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu falanqeynayay buug ka hadlaya kobcinta barwaaqada iyo sinnaanta kheyraadka, ayuu sheegay in heshiiska hadda jira uu dhigayo in 30% dakhliga la siiyo dowladda federaalka, 30% dowlad-goboleedka laga soo saaro kheyraadka, 20% degmada laga soo saaro, iyo 20% dowlad-goboleedyada aan lahayn kheyraadka.
“Weli ma hayno qaab ka wanaagsan kan hadda jira, balse waxaan qabnaa in dib loogu laabto, la cusbooneysiiyo, laguna daro waxyaabo cusub,” ayuu yiri, isagoo muujiyay in ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan dib-u-habeyn lagu sameeyo nidaamka qaybsiga dakhliga.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay caqabadihii hore ee ku gadaanaa horumarinta shidaalka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in dowladihii hore ay wajahaan cadaadis dibadeed iyo shaki ku saabsan awoodda dalka ee soo saarista shidaalka.


