Galmudug, 22 October 2025 (Dawan Africa – Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay ku dhawaaqday amar mamnuucaya soo dejinta gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan “Cabdibilaha.
laga bilaabo shalay aan la oggolaan doonin in lagu soo raro ama laga soo dajiyo dekedda Hobyo.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo shalay oo ay taariikhdi ahayd 21 October soo dajinta gawaarida Cabdibilaha ay tahay danbi, iyada oo raacisay in ciddi soo dajiso ay la mid tahay noqon doonto kuwa la shaqeeeya Al-shabaab.
Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo ammaanka guud ee maamulka, maadaama gawaaridan ay inta badan adeegsadaan kooxaha ciidamada Al-shabaab iyo dowladda qudheeda, amni darada ay qeyb ka noqon karaan.
Wasaaraddu ayaa ugu baaqday ganacsatada, shirkadaha gaadiidka, iyo hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh in ay si buuxda u fuliyaan amarkan cusub, isla markaana ay ka qeyb qaataan ilaalinta nabadgelyada iyo amniga guud ee Galmudug.
Tallaabadan ayaa ka mid ah qorshaha maamulka Galmudug ee lagu adkeynayo ammaanka iyo ilaalinta dekedda Hobyo, oo si xawli ah u korortay adeegyadeeda ganacsi tan iyo markii dib loo hawlgeliyay sannadkii hore.


