Galmudug (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shaacisay natiijada rasmiga ah ee imtixaanka dugsiyada dhexe ee sanadkan, iyadoo muujisay koror ku yimid heerka gudubka ardayda marka loo eego sannadkii hore.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, imtixaanka ayaa laga qaaday 41 xarumood oo ku yaalla deegaannada Galmudug, waxaana u fariistay 8,104 arday, kuwaas oo isugu jiray 4,180 wiil iyo 3,924 gabdhood.
Natiijada la shaaciyay ayaa muujinaysa in 7,881 arday ay ku guuleysteen imtixaanka, halka 223 arday ay ku hareen. Ardayda hartay ayaa isagu jirta 116 gabdhood iyo 107 wiil.