Addis Ababa 25 Diseembar 2025 — Dowladda Itoobiya ayaa bandow habeen ah kusoo rogtay gobolka Gambella ee galbeedka dalka, kaddib rabshado xooggan oo halkaas ka dhacay, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 47 qof, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Rabshadahan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafad hoos timaadda degmada Itang, halkaas oo weerar lagu qaaday. Ilaa iyo hadda ma cadda in tirada dhimashada la shaaciyay inay tahay mid hordhac ah ama tirada kama dambaysta ah ee khasaaraha ka dhashay dhacdada. Hay’adda Dhaqaatiirta aan xudduudka lahayn MSF) ayaa sheegtay inay daweysay in ka badan 100 qof oo qaba dhaawacyo isagu jira kuwa fududd iyo qaar kale oo culus. Waxayna ka digtay in khasaaraha bani’aadamnimo uu sii kordhi karo haddii xaaladda amni ay sidan kusii jirto maalmaha soo socda. MSF ayaa sidoo kale xustay in xaaladda amni-darro ay si gaar ah u saamaysay dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dadka qaba baahiya gaarka ah, iyadoo guryo la gubay, taas oo ku qasabtay qoysas badan inay ka barakacaan deegaanadooda. Weli lama ogaanin cidda ka dambeysa weerarada lagu soo qaaday deegaanka. Dhanka kale, maamulka gobolka Gambella ayaa 25-ka Diseembar ku dhawaaqay bandow habeen ah oo aan waqti loo cayimin, kaas oo ka dhaqan gaelaya magaalada Gambella iyo deegaanno kale oo ay saameeyeen qalalaasaha amni, iyadoo ujeedadu tahay in la xakameeyo rabshadaha lagana hortago in markale ay dhacaan weeraro lagu beegsanayo rayidka.
Maqaallo La Xidhiidha

Dowladda oo sheegtay inaan la aqbali doonin in la carqaladeeyo doorashada
Dec 24, 2025
Warar
Akhri dheeraad →

Mareykanka iyo Itoobiya oo gaaray heshiis caafimaad oo dhan $1.6 bilyan
Dec 24, 2025
Warar
Akhri dheeraad →
Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga Badda iyo Gaadiidka
Dec 24, 2025
Warar
Akhri dheeraad →




