Jigjiga (Dawan) – Garab ka tirsan Ururka ONLF oo taageersan heshiiskii nabadeed ee uu ururku la galay Dowladda Itoobiya sanadkii 2018, isla markaana ka qeyb galay doorashooyinkii Deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in in ka badan 60 dhalinyaro ah oo ka soo jeeda deegaankaas si khaldan loogu abaabulay gudaha Puntland.
Muxummed Sheekh Badri, oo ah Hoggaanka Arrimaha Siyaasadda ee garabkan ONLF, ayaa shir jaraa’id oo uu Axaddii ku qabtay Jigjiga ku sheegay in dhalinyaradaasi ay ka shaqeynayeen magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo deegaanno kale oo Puntland ah, ka hor inta aan lagu qancin ballanqaadyo la xiriira shaqooyin, mushaar iyo safarro dibadda ah.
Badri ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen xoogsato u tagay Puntland si ay uga shaqeystaan dukaamada, dekedaha iyo howlaha la xiriira xoolaha, si ay u taageeraan qoysaskooda.
Waxa uu ku eedeeyay xubno hore uga tirsanaa ONLF oo ku sugan dibadda inay isku dayeen abaabulka dhalinyaradaasi iyagoo adeegsanaya magaca ururka, isagoo sheegay in dadkaasi aysan hadda metelin ONLF.
Sida uu sheegay, dhalinyarada waxaa loo sheegay in loo qaadayo dalka Qatar si ay uga helaan shaqooyin iyo mushaar ka wanaagsan kii ay haysteen, balse ujeeddada dhabta ah ayuu ku tilmaamay in si khaldan loo abaabulo.
“Dhalinyaradaas waa la badbaadiyay,” ayuu yiri Badri, isagoo xusay in laga badbaadiyay khatar dhinaca badda ah iyo in loo adeegsado dano siyaasadeed. Waxa uu sheegay in dhalinyarada ay hadda ku jiraan gacanta hay’adaha ammaanka, isla markaana ay socdaan wadatashi iyo xiriir lala sameynayo waalidiintooda iyo mas’uuliyiinta Deegaanka Soomaalida si dib loogu celiyo loona dhaqan-celiyo.