Soomaaliya, 22 September 2025 – Garabka mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta shir ku leh magaalada Muqdisho.
Qoraal ogeysiis ah oo loo diray warbaahinta ayay garabka mucaaradku ku sheegeen in kulanku uu bilaaban doono 3:00 galabnimo, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka iyo tirada ka qaybgalayaasha.
Garabkan mucaaradka ah ayaa si cad uga soo horjeeda dowladda federaalka, gaar ahaan hab-maamulka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Kulanka maanta ayaa noqonaya kii labaad ee ay si wadajir ah u qabtaan tan iyo markii garab kale oo madasha ka tirsan uu heshiis la galay dowladda Soomaaliya 25-kii August.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u qabteen ayaa dhacay 31-kii August, markaas oo ay dhaliilo u jeediyeen dowladda, isla markaana ku baaqeen shir wada-tashi qaran oo ay ka qayb-galaan dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo soo dhaweeyay baaqaas.
Tan iyo war-murtiyeedkaas, xubnaha mucaaradka madasha ayaa hadalladooda ku muujinayay mowqifyo kala duwan oo ay si gaar-gaar ah ugu mucaaradeen dowladda.